Arsenal, Man City Mise Liverpool? Michael Owen Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League

Michael Owen ayaa doonaya in Liverpool ay ku guulaysato Premier League laakiin waxa uu filayaa in kooxda Jurgen Klopp iyo Arsenal ay Horyaalka U Lumin doonaan Man City.

Kaliya hal dhibic ayaa u dhaxaysa kooxda hogaanka haysa ee Arsenal, Liverpool oo kaalinta labaad ku jirta iyo Manchester City oo kaalinta saddexaad ku jirta iyada oo toban kulan ay u hadhsan tahay.

Arsenal ayaa badisay dhamaan siddeedii kulan ee ay ciyaartay horyaalka Premier League tan iyo bilawgii sanadka 2024,waxana ay u dhaqaaqday hogaanka horyaalka markii ugu horeysay tan iyo bishii December ka dib markii labada kooxood ee Liverpool iyo Manchester City ay dhibco lumiyeen barbaro 1-1 ah oo ka dhacay garoonka Anfield horaantii bishaan. .

Gunners ayaa isku dayaysa in ay ku guulaysato horyaalkeedii ugu horeeyay tan iyo 2004tii iyaga oo fadhiyay hogaanka horyaalka inta badan xilli ciyaareedkii hore ka hor inta ayna ugu dambayn shan dhibcood ka dambayn Man City oo ku guulaystay horyaalka.

Liverpool ayaa ah kooxda kaliya ee jabisay awooda Pep Guardiola – iyagoo horyaalka ku qaaday duruufo aan caadi ahayn intii lagu jiray xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ee xanuunkii Korona 2019/2020.

Owen, oo xirfadiisa ciyaareed ka soo bilaabay Anfield, ayaa rajeynaya in Liverpool ay ku guulaysato horyaalka xilli ciyaareedkan.

Lakiin weeraryahankii hore ee England ayaa wali qaba in Manchester City ay wacdaro dhigi doonto kadib marka horyaalku dib u bilowdo.

“Dabcan qalbigeyga wuxuu leeyahay Liverpool iyo waxaan u maleynayaa inay heystaan kulamada ugu fudud”ayuu Yidhi.

“Waxay noqon doontaa sheeko cajiib ah, sidoo kale, iyadoo ay tahay xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay ee Jurgen Klopp”.

“Laakiin waxaan qabaa in Man City ay tahay kooxda ugu fiican adduunka waqti xaadirkan, wayna cadeeyeen taas, waxan filayaa in ay ku guulaystaan horyaalka marka laga soo laabto fasaxa xulalka”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga