RASMI :- Real madrid oo dhameystirtay saxiix weyn oo mudo ku raadjoogtay ?

Kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah u xaqiijisay saxiixa xiddiga reer Ivory Coast Yan Diomandé, kaas oo kaga soo biiray RB Leipzig heshiis waaweyn oo gilgilay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Yan Diomandé ayaa noqday mid ka mid ah saxiixyada ugu qaalisan ee taariikhda Real Madrid, iyadoo kooxda reer Spain ay sii waddo qorshaheeda ay ku dhisayso koox mustaqbalka u tartanta dhammaan koobabka, Los Blancos waxay rumeysan yihiin in Diomandé uu noqon doono xiddig muhiim ah sanadaha soo socda, maadaama uu leeyahay tayo, xawaare iyo karti sare oo weerar.

Saxiixan ayaa sidoo kale muujinaya sida Real Madrid ay diyaar ugu tahay inay maalgelin weyn ku sameyso ciyaartoyda da’da yar ee leh mustaqbal ifaya, si ay u sii xoojiso safkeeda ka hor xilli ciyaareedka cusub.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga