Halyeeyga Manchester United, Gary Neville, ayaa tilmaamay caqabad suurtagal ah oo hortaagan Arsenal tartanka ay ugu jiraan hanashada Premier League xilli ciyaareedkan.
Gunners-ka ayaa sameeyay hoggaan lix dhibcood ah kadib markii ay 3-0 kaga adkaadeen Fulham Sabtidii.
Viktor Gyökeres ayaa siiyay Arsenal hoggaan hore kulanka ka dhacay Emirates Stadium, wuxuuna mar kale dhaliyay gool ka hor nasashada, kadib markii Bukayo Saka uu kordhiyay farqiga.
Kooxda uu hogaamiyo Mikel Arteta ma aysan sii kordhin karin gooldhalintooda qeybta labaad, balse guushaas fudud ayaa cadaadis sii saartay Manchester City.
Man City ayaa leh laba kulan oo ka dhiman si ay u yareeyaan farqiga u dhexeeya iyaga iyo Arsenal, iyadoo kulankooda ugu horreeya uu yahay mid adag oo ay u safraan Everton Isniinta.
Neville wuxuu filayaa in kooxda Pep Guardiola ay ka adkaan doonto Everton, kadibna dareenka oo dhan uu u wareegi doono Arsenal iyo kulankooda derby-ga London ee ay la leeyihiin West Ham United dhammaadka usbuuca.
Inkasta oo Arsenal ay ka sarreyso West Ham 17 boos iyo 40 dhibcood, haddana West Ham ayaa horumar muujisay bilihii u dambeeyay, iyadoo wali u dagaallameysa badbaadada.
Neville ayaa yiri isagoo ka hadlayay podcast-kiisa Sky Sports:“Waxaan daawaday Arsenal xalay, inkasta oo erayga ‘niyad-jab’ uusan sax ahayn, haddana Arteta wuxuu laga yaabaa inuu ka fikirayo inay heli kareen goolal dheeraad ah, iyo inay ka shallaayi karaan arrintaas”
“Laakiin wuu ku farxi doonaa guusha, wuxuuna ciyaartoydiisa xasuusin doonaa inay ka faa’iideystaan fursadaha oo ay noqdaan kuwo wax dilaa ah. Taasi waa fariinta uu gudbin doono”
“Ma awoodaan inay ku nastaan ciyaaraha; waa inay sii wadaan dardarkooda. Waxaan aaminsanahay in Man City ay garaaci doonto Everton, waxaana noqon lahayd wax aad u yaab leh haddii ay dhibco lumiyaan”
“Ma filayo inay taas dhacdo. Usbuucan waa mid muhiim ah, sababtoo ah kulanka ugu badan ee aan u maleynayo inay Arsenal dhibco ku lumi karto waa kan ay la ciyaareyso West Ham meel ka baxsan gurigooda”
“Taasi waa kulanka ay tahay inay ka taxaddaraan. Waa mid adag sababtoo ah West Ham waxay u dagaallameysaa badbaado, waxayna u baahan tahay dhibco.”
Be the first to comment