
Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in Erling Haaland uusan wax qeyb ah ka ciyaari doonin Manchester City kulanka Brighton ee premier League.
Haaland ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan premier league xilli ciyaareedkan waxana uu seegay kulankii FA Cup-ka ee bilowgii todobaadkan.
Xiddiga weerarka ka ciyaara ayaa wali ka sii maqnaan doona kulanka Premier League ee Brighton.
Xiddiga reer Norway ayaa dhaawac la dhibaatoonaya kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.
Ka hor kulanka Brighton Guardiola ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga Haaland wali ka maqnaan doono kooxdiisa kulanka soo socda.
“Haaland Diyaar uma ahan kulanka Brighton ee bari”ayuu Guardiola ku jawaabay markii wax laga waydiiyay Xaalada Haaland.
Be the first to comment