10-ka ciyaaryahan ee ugu mushaarka badan horyaalka Premier League ayaa la soo saaray iyada oo ay ku jiraan xiddigo badan oo magac leh.
Premier League waxa ka ciyaara xiddigo magac leh oo waliba si weyn looga yaqaano adduunka kana mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka.
Xiddiga kooxda Man City ee Kevin De Bruyne ayaa hogaaminaya liiska xiddigaha ugu mushaharka badan premier League isaga oo qaata 400 kun oo Gini todobaadkii.
Waxa ku xiga xiddiga kale ee kooxda Man CIty kaas oo jeebka ku shubta todobaadkii lacag dhan 375 kun oo Gini.
Waxa Haaland la mushahar ah xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United Casemiro kaas oo qaata lacag dhan 375 kun oo Gini todobaadkii.
Waxa ku xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah kaas oo qaata lacag dhan 350 Kun oo Gini todobaadkii.
Halkan Kaga Bogo xiddigaha ugu mushaharka badan premier League.
- Kevin De Bruyne (Man City) 400 Kun Gini
- Erling Haaland: (Man City) 375 Kun Gini
- Casemiro (Man United: 375 Kun Gini
- Mohamed Salah (Liverpool) 350 Kun Gini
- Raphael Varane (Man United: 340 Kun Gini
- Raheem Sterling (Chelsea) 300 Kun Gini
- Marcus Rashford (Man United) 300 Kun Gini
- Jack Grealish (Man city) 300 Kun Gini
- Bernardo Silva (Man city) 300 Kun Gini
- Kai Havertz (Arsenal) 280 Kun Gini
Be the first to comment