Chelsea Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Pochetino Kadib Guuldaradii Arsenal p

Milkiilaha Chelsea ayaa lagu Soo waramayaa in ay qiimayn ku samayn doonaan shaqada tababare pochetino dhamaadka xilli ciyaareedkan Kadib xasuuqii ay Chelsea kala kulantay Arsenal.

Chelsea ayaa guuldaro kala kulantay Arsenal kulan ka tirsanaa horyaalka premier league iyada Oo lagu Garaacday 5/0.

Guuldaradaas ayaa ahayd guuldaradii 11 ee Chelsea Soo gaadhay premier league xilli ciyaareedkan.

Qaar ka mid ah taageerayaasha Chelsea ayaa dalbanaya in shaqada Laga caydhiyo tababaraha.

Sida laga Soo xigtay Mailonlone, maamulka Chelsea ayaa qiimayn doonaa shaqada tababaraha dhamaadka xilli ciyaareedka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga