Paul Merson Oo Magacaabay Labada Xiddig Oo Go’aamin Kara Tartanka Horyaalka EeU Dhexeeya Arsenal, Liverpool iyo Man City

Paul Merson ayaa Magacaabay laba xiddig Oo Arsenal ku hogaamin Kara horyaalka premier league xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa Hal dhibic ku hogaaminaysa horyaalka Kadib markii ay ka badiyeen Luton Town kulan ka tirsanaa horyaalka.

Iyada Oo Hal dhibic ku hogaaminaysa horyaalka premier league Merson ayaa aaminsan in daafaca Arsenal ee saliba iyo Gabriel ay fure u noqon karaan fursadaha Arsenal ee horyaalka.

“Waa inaad tidhaahdaa William Saliba iyo Gabriel waa lamaanayaasha daafaca dhexe ee ugu fiican horyaalka,” Merson ayaa u sheegay Sky Sports.

“Iyaga ayaa fure u noqon Kara ku guulaysiga horyaalka premier league xilli ciyaareedkan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga