Martin Keown Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Horyaalka Kadib Guulihii Arsenal Iyo Man City.

Halyeeyga Arsenal Martin Keown ayaa wali qaba in Liverpool ay tahay “kooxaha ugu cad cad” ku guuleysiga horyaalka Premier League inkastoo Gunners iyo Man City ay guul gaareen Arbacadii.

Kooxda Mikel Arteta ayaa 2-0 ku garaacday Luton Town iyada oo ay uga mahadcelinayaan gool uu dhaliyay Martin Odegaard iyo gool uu iska dhaliyay Daiki Hashioka si ay Liverpool hogaanka ugala wareegto.

Arsenal ayaa hadda hal dhibic ka sareysa Liverpool oo fiidnimada Khamiista wajihi doonta kooxda Sheffield United, halka Man City oo ku jirta kaalinta saddexaad iyaga Oo la dhibco ah Liverpool laakiin kaga dambayso farqiga goolasha.

In kasta oo Arsenal iyo Man City ay shaqadoodii qabteen fiidnimadii Arbacada, Keown ayaa wali qaba in Liverpool ay ugu cadcadahay hanashada horyaalka Premier League sababtoo ah kulamadooda u hadhay.

“Man City way badin kartaa kulan kasta laakiin taasi macnaheedu maaha inay ku guulaysan doonto horyaalka

sababtoo ah Liverpool ayaa dhibco haysata,” Keown ayaa u sheegay TNT Sports.

“Hadii aad eegto ciyaaraha Liverpool, kaliya aniga ayay ii muuqdaan. Ciyaarta Manchester United ee Axada waa mid aad u weyn, haddii ay badiso taasi waxaan filayaa in ay badiyaan kulamada u dhiman”.


“Hadii aad eegto ciyaaraha Liverpool, kaliya aniga ayay ii muuqdaan. Ciyaarta Manchester United ee Axada waa mid aad u weyn, haddii ay badiso taasi waxaan

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga