Waa Maxay Sababta Uu Enzo Fernandez Ku Seegi Doono Kulanka Maanta Ee Kooxdiisa

Mauricio Pochettino ayaa waxaa ka maqnaan doona Enzo Fernandez marka ay Chelsea la ciyaarayso Leicester City wareega 8da FA Cup galabnimada Axada.

Xiddiga ayaa Ka maqnaan doona kulanka Oo ay Chelsea doonayso in ay iska xaadiriso wareega Semi-final ka Fa Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Enzo ayaa muhiim ka ah kooxda Chelsea waxana ay shaki la”aan dhirbaaxo ku noqon doontaa maqnaanshihiisu.

Sababta uu xiddiga reer Argentine uga maqanaan doono kulanka maanta ayaa ah Ganaax.

FA Cup-ka, ciyaartoyda labada jaale ka qaatay tartanka ayaa ganaax ku maqan kulanka soo socda.

Fernandez ayaa haatan gaaray wadartaas ka dib markii uu qaatay laba kaadh kulamadii Aston Villa iyo Leeds united.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga