Muxuu Erik Ten Hag Ka Yidhi Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Tottenham

Tababraha Man united Erik Ten Hag Ayaa Ka hadlau guuldaradii kooxdiisa Ka Soo gaadhay Tottenham.

Man united Ayaa guuldaro 3/0 ah kala kulantay kooxda Tottenham kulanka Ka tirsanaa premier league.

Tababaraha Manchester United Erik ten Hag oo u waramayay Sky Sports ayaa yidhi:”si xun Ayaan ku bilaabanay ciyaarta Tottenham ayaa ahayd kooxda awooda badan, waxaanu samaynay khaladaad badan oo kubad haysashada ah oo ahayd in aanan samayn, Waanu dhaafi Kari waynay cadaadiska ay nagu sameeyaan waxana aan samaynay go’aano khaldan, waxa aan fursad u helnay in aan ciyaarta ku Soo laabano laakiin kadib casaankii Ayaa dhacay”.

“Uma malaynayo in uu casaan u qalmay Bruno, markii ciyaartu 1/0 ahayd Waanu Soo laaban karnay laakiin casaanka Ayaa samayn ku yeeshay ciyaarta”.

“Qaybtii hore ee ciyaarta ma aanan ahayn kuwo fiican macquul ma ahan in ciyaaryahan uu dhex maro kooxdeena oo dhan oo uu gool dhaliyo. Waa inaad taas joojisaa. Waxaan ciyaarta ka hor caddeeyay sida aan u difaacno. Kalsoonida ayaa naga luntay, wax ka fiican ayaan sameyn karnaa, dhamaan ciyaartoyda waa ay ogyihiin tan”.

“Mar kasta waa maalin cusub, waxa aan u sheegay ciyaartoyada in aan wax Ka barano oo aan si fiican u ciyaarno”.

“Ma doonayo inaan ka hadlo horumarka ka dib guuldaradan oo kale. Waa inaan arrintan wax ka qabannaa.”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga