Mohamed Salah Oo Isku Qoray Taariikhda Premier League

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa magaciisa ku qoray bogag badan oo ka mid ah sheekooyinka taariikhda Premier League kadib markii uu rigoore dhaliyay kulankii xiisaha lahaa ee ay Reds barbaraha 2-2 la gashay Manchester United Old Trafford.

Kadib markii uu wax gool ah dhalin waayay sidoo kale caawin samayn in waayay kulankii Sheffield United waxa uu baxay isaga Oo niyad jabsan.

Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolka bar-baraha Kooxdiisa kulankii Axadii ku dhamaaday bar-baro 2/2.

31 jirkaan ayaa qoray cutubyo kale oo taariikhi ah, isagoo markii ugu horeysay noqday ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa ee soo booqda Old Trafford ee Premier League isagoo lix gool dhaliyay.

Halyeeygii hore ee Liverpool Steven Gerrard ayaa haystay Rikoodhka xiddiga ugu goolasha badan ee Old Trafford isaga Oo dhaliyay 5 gool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga