Miyuu Thomas Partey Ciyaari Doonaa Kulanka Liverpool? Arteta Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka warbixiyay xaalada xiddiga Thomas Partey ka hor kulanka Liverpool.

Arsenal ayaa marti galinaysa kooxda Liverpool kulan ka tirsan horyaalka premier League kulan ka dhici doona Emirates.

Tababaraha Arsenal ayaa xaqiijiyay in xiddiga khadka dhexe ee Thomas Partey uu dhaawac cusub soo gaadhay isla markaas seegi doono kulanka.

“Thomas Partey waxa so gaadhay dhaawac cusub maalmo yar ka hor sidaas darteed nasiib daro lama heli karo kulanka Liverpool”ayuu Arteta ku bilaabay.

“Haddii ay tahay arrin maalmo ama toddobaadyo ah, waan arki doonnaa. Mar kale ayuu wax ka dareemay meel u dhaw halkii uu ka dhaawacmay”.

Xiddiga khadka dhexe ayaa ku dhibaatoonaya dhaawacyo tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan isaga oo kulamo badan seegay ilaa Haatan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga