Martin Odegaard Oo Magacaabay Xiddiga Real Madrid Ee Uu Keeni Lahaa Arsenal.

Kubad sameeyaha Arsenal Martin Odegaard ayaa u magacaabay saaxiibkii hore ee Real Madrid inuu yahay ciyaaryahan uu doonayo inay Gunners la soo wareegto.

Gunners ayaa xilli ciyaareed wanaagsan ku qaadatay markale horyaalka Premier League laakiin waxay umuuqataa in ay xilli ciyaareedkii 3-aad ku dhamaysan doonaan.

Kooxda hogaanka haysa ee Liverpool ayaa haatan 12 dhibcood ka horaysa kooxda Arsenal iyada oo 9 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka.

Arsenal ayaa wali haysata tartanka Champions League oo ay sidoo kale diirada saari doonto iyadoo Gunners ay u gudubtay wareega 8 dhamaadka iyaga oo la ciyaari doona Rela Madrid.

Odegaard ayaa kaga soo biiray Real Madrid 2021 amaah bilow ah lix bilood ka hor inta aysan Arsenal la wareegin ku dhawaad 40 milyan euro si ay heshiiska uga dhigto ah ugula saxiixato.

Xiddig reer Norway ayaa noday xiddigaha ugu fiican khadka Dhexe isaga oo noqday kabtanka Kooxda.

Markii la weydiiyay ciyaaryahanka Real Madrid ee uu u saxiixi doono Arsenal, Odegaard ayaa daaha ka qaaday TV2 Sport: “Hadda waxaan idhi Vinicius waa kan ugu fiican adduunka, sidaas darteed waa dabiici in la qaato.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga