Alisson Oo Ka Warbixiyay Xaaladiisa Kadib Dhaawacii Uu Uga Baxay Brazil.

Alisson ayaa sheegay inuu fiican yahay ka dib markii lagu qasbay inuu ka baxo xulka Brazil kadib dhaawac soo gaadhay.

Alisson ayaa isku dhacay madaxa Davinson Sanchez intii lagu guda jiray guushii 2-1 ee Brazil ay ka gaareen Colombia kulankoodii isreebreebka Koobka Adduunka habeenkii Khamiista.

Goolhaye Alisonn Iyo daafaca Sanchez ayaa labadoodaba laga saaray yaarta kadib markii ay sii wadan kari waayeen ciyaarta.

Si kasta ha ahaatee xiddiga Alisson ayaa xaqiijiyay in uu fiican yahay waxana uu ku qoray baraha bulshada”Waxa aan doonayaa in aan idiin sheego in aan fiicanahay,kaliya waxa aan raacayaa nidaamka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga