Manchester United ayaa Sabtida galab bilaabanaysa ololaheeda Premier League 2026/27, iyadoo booqanaysa kooxda cusub ee horyaalka kusoo laabatay, Hull City.
Manchester United ayaa xilli-ciyaareedkii hore Premier League ku dhamaysatay kaalinta saddexaad, halka Hull City ay dib ugu soo laabatay horyaalka heerka koowaad kadib markii ay 2025/26 Championship-ka kasoo gudubtay play-off-yada.
Hull City oo muddo dheer kadib Premier League kusoo laabatay
Hull City ayaa markii ugu horreysay tan iyo xilli-ciyaareedkii 2016/17 dib ugu soo laabatay Premier League.
Kooxda uu hoggaamiyo Sergej Jakirovic ayaa xagaagan sameysay isbeddel weyn, iyadoo la soo saxiixatay 11 ciyaaryahan oo cusub. Saxiixa ugu weyn ayaa ahaa Nobel Mendy oo kaga yimid Rayo Vallecano.
Hull ayaa shantii kulan ee saaxiibtinimo ee xagaagan laga diiwaangeliyay laba guul, laba barbaro iyo hal guuldarro, iyadoo kulankeedii ugu dambeeyay ay 0-0 la gashay Nice.
Si kastaba, taariikhda kulamada labada kooxood ayaa si weyn ugu janjeerta Manchester United. Hull ayaa 18-kii kulan ee ugu dambeeyay ee labada kooxood tartamada oo dhan ku guuleysatay saddex oo keliya.
Kulankii ugu dambeeyay ee Premier League ee labada kooxood, oo dhacay Febraayo 2017, wuxuu ku dhammaaday 0-0.
Manchester United oo doonaysa bilow guul leh
Manchester United ayaa iyaduna dooneysa inay xilli-ciyaareedka cusub ku bilowdo saddex dhibcood.
Kooxda Michael Carrick ayaa xagaagan lasoo wareegtay ciyaartoy ay kamid yihiin Andrey Santos, Youri Tielemans iyo Karl Darlow, halka Carlos Baleba la filayo inuu kooxda kusoo biiro.
United ayaa sidoo kale wali dooneysa inay suuqa ka keento difaac bidix iyo weeraryahan ka hor inta uusan suuqa kala iibsigu xirmi.
Red Devils ayaa kulankoodii ugu dambeeyay ee isku diyaarinta xilli-ciyaareedka 4-2 looga adkaaday AC Milan, laakiin guud ahaan kulamadii saaxiibtinimada waxay lahaayeen diyaar-garow wanaagsan, iyadoo ay garaaceen Rosenborg iyo Atletico Madrid, halka ay barbaro la galeen Paris Saint-Germain iyo Leeds United.
United ayaa xilli-ciyaareedkan sidoo kale wajahaysa culays dheeraad ah, maadaama ay ku soo laabatay Champions League, iyadoo isla markaana doonaysa inay horumar ka sameyso FA Cup iyo EFL Cup.
Wararka dhaawacyada Hull City
Hull ayaa kulankan wajahaysa dhibaatooyin dhaawacyo badan.
Ciyaartoyda ka maqnaanaya waxaa kamid ah:
- Eliot Matazo
- Darko Gyabi
- Jack Butland
- Oscar Zambrano
- Charlie Hughes
- Joe Gelhardt
- Hidemasa Morita
Dhanka kale, Cody Drameh iyo Matty Jacob ayaa mari doona baaritaanno caafimaad oo dambe si loo ogaado inay ciyaari karaan.
Wararka Manchester United
Manchester United waxaa ka maqnaanaya Matthijs de Ligt iyo Manuel Ugarte, halka Mason Mount uu wajahayo tijaabo caafimaad oo goor dambe lagu go’aamin doono xaaladdiisa.
Benjamin Sesko ayaa dib ugu soo laabtay tababarka, waxaana la filayaa inuu kooxda qayb ka noqdo, laakiin uma badna inuu kulankan ku soo bilowdo maadaama uu muddo la maqnaa dhaawac shinni ah.
Goolhaye Karl Darlow ayaa isaguna fursad u haysta inuu markii ugu horreysay kasoo muuqdo liiska Manchester United.
Youri Tielemans iyo Andrey Santos ayaa la filayaa inay sameeyaan kulankoodii ugu horreeyay ee rasmi ah ee Manchester United, halka Bryan Mbeumo loo saadaalinayo inuu weerarka dhexe ka ciyaaro.
Lisandro Martinez oo aan helin daqiiqado badan oo pre-season ah ayaa keeni kara in Ayden Heaven uu Harry Maguire kula soo bilowdo bartamaha difaaca.
Shaxda la filayo
Hull City:
Tzolakis; Coyle, Ajayi, Mendy, Giles; Slater, Crooks; Belloumi, Hjerto-Dahl, Stroud; McBurnie.
Manchester United:
Lammens; Dalot, Maguire, Heaven, Shaw; Tielemans, Santos; Amad, Fernandes, Cunha; Mbeumo.
Be the first to comment