
Kooxda Man United ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Sheffield United kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa premier League.
Sheffield United ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta waxana ay ahaayeen kooxda ka fiican United.
Daqiiqadii 35-aad ayay Sheffield United dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Jaden Bogle kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
United ayaa daqiiqadii 42-aad ku soo laabatay ciyaarta waxana bar-baraha u dhaliyay xiddiga Harry Maguire kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Qaybta dambe ayay Sheffield United KU Bilaabata si dar-dar leh waxana ay daqiiqadii 50-aad dhaliyeen goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Ben Brereton Diaz kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Sheffield United ku hogaaminayso.
Laakiin Bruno Fernandes ayaa daqiiqadii 61-aad u dhaliyay kooxdiisa rikoodhe ka hor inta uuna daqiiqa 81-aad u dhalin goolka 3-aad.
Waxa daqiiqadii 85-aad goolka u dhaliyay Man United 4 gool-na ka dhaliyay Rasmus Hojlund kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/2.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United ku badisay guul weyn oo muhiim ah.
Dhinca kale Liverpool ayaa sii waday luminta dhibcaha premier League iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxda Everton.
Kooxda Liverpool ayaa guuldaro weyn kala kulantay kooxda Everton Kulan uu Klopp guuldaro ku macasalaameeyay kulanka Derby Mersyside.
Liverpool ayaa bilowgii ciyaartaba ku bilaabatay si xun iyada oo Everton uga fiicnayd dhinac walba.
Daqiiqadii 27-aad ayay Everton dhalisay goolka waxana u dhaliyay xiddiga Jarrad Branthwaite kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore iyada oo Liverpool wali is raadinayso kuna dhibaatoonayso kulanka.
Qaybtii dambe ayay Everton dhalisay daqiiqadii 58-aad goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Dominic Calvert-Lewin kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.
Be the first to comment