Klopp Oo Raali Galin Siiyay Taageerayaasha Liverpool

AMSTERDAM, NETHERLANDS - OCTOBER 26: Juergen Klopp, Manager of Liverpool looks on prior to the UEFA Champions League group A match between AFC Ajax and Liverpool FC at Johan Cruyff Arena on October 26, 2022 in Amsterdam, Netherlands. (Photo by Dean Mouhtaropoulos/Getty Images)

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay derby ee Everton ay la micno tahay in Reds ay ka hartay tartanka loogu jiro horyaalka England Premier League xilli ciyaareedkan.

Klopp Oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Aad ayaan u niyad jabsanahay. Waxaan u ogolaanay kooxda naga soo horjeeda inuu ciyaarta u ciyaaro sida uu rabo. Labo gool ayaa nalooga dhaliyay labo qeybood”.

“Waan ku degdegnay go’aannadayada, mana aanan fiicneyn in aan wax ka qabanno heerkii loo baahnaa.”

“Ma ahan markii ugu horeysay ee aan ka hortagno koox xamaasad leh oo si adag u dagaalamaysa, laakiin kama aanan faa’ideysan sidii loo baahnaa.”

Tababaraha ayaa hadalkiisa ku daray, “Waxa kaliya ee aan hadda samayn karo ayaa ah in aan raali galin siiyo taageerayaasha”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga