Madaxweynaha Barcelona: Ku Biirsta Mbappe Ee Real Madrid Halkan Dhib Ayay Ku Keenaysaa Qolka Labiska.

Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa ka hadlay wararka Real Madrid La xidhiidhinaya saxiixa xiddiga Kylian Mbappe.

Real Madrid ayaa aad loola xidhiidhinayaa saxiixa Mbappe iyada oo heshiiskiisa PSG uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida ay cid walba filayso Mbappe ayaa la filayaa in uu ku biiro kooxda Real Madrid suuqa kala iibsiga xagaaga.

Laporta ayaa sheegay in imaatinka Mbappe ee Real Madrid in ay khal-khal ku keeni doonto qolka Labiska kooxda Real Madrid.

Laporta: “Kama xasdiyo Real Madrid in Mbappé uu yahay saxiix cusub.”

“waxa uu khal-khal ku keenayaa qolka Labiska shaki la’aan”.

“Waa inaad iibisaa ciyaaryahan, saw maaha? Sababtoo ah isku meel kuma ciyaari doonaan…”, ayuu u sheegay Mundo Deportivo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga