Luis Enrique Oo Albaabk U Furay In Uu Noqdo Badalka Xavi Laakiin…

Luis Enrique ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo ku soo laabashada kooxda Barcelona mustaqbalka laakiin ay ka go’an tahay in uu sii joogo kooxda PSG.

53-sano jirkaan, oo seddexleey kula guuleystay Barca 2015, ayaa haatan isku diyaarinaya wareega 8da ee Champions League kooxdiisii ​​​​hore iyadoo ay sii kordhayaan wararka la xidhiidhinaya in uu noqon doono badalka Xavi.

Luis Enrique ayaa kaliya u dhaqaaqay Paris xagaagii hore laakiin si fiican ayuu ku bilowday nolosha Parc des Princes, iyadoo PSG ay haatan 12 dhibcood ku hogaamineyso Ligue 1.

Sida caadiga ah su’aalaha tooska ah ee Q&A ee kanaalka Twitch, kama fogayn inuu dib ugu soo laaban karo Camp Nou, in kasta oo u dhaqaaqista xagaagan ay tahay mid aan macquul ahayn.

“Mar walba waxaan dhihi jiray inaan jeclaan lahaa inaan ku laabto Barcelona, laakiin xaqiiqadu waxay tahay inay aad u adag tahay in wadooyinka la maro,” ayuu yiri tababaraha Isbaanishka.

“Way adagtahay in wakhtigan la ogaado, xagaaga, Xavi waxa uu sheegay in ay kooxdu u baahnaan doonto tababare cusub”.

“Xagaagii hore waxa aan ahaa diyaar laakiin xagaaga soo socda ayay u baahnaan doonaan tababare cusub laakiin way adkaan doontaa”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga