Liverpool Oo Jabinaysa Suuqa Tababaraha Hadii Ay Doonayso Xabi Alonso.

Kooxda Liverpool ayaa ku qasbanaan karta in ay bixiso ku dhawaad lacag rikoodh ah hadii ay doonayso in ay tababare cusub ka dhigato Xabi Alonso dhamaadka xilli ciyaareedka.

Reds ayaa haatan ugaadhsi ugu jirta badalka Jurgen Klopp kaas oo ku dhawaaqay in uu isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Liverpool ayaa Xabi ka dhigatay bartilmaameedkeeda 1-aad iyaga oo doonaya tababaraha oo horay ugu soo ciyaaray kooxda.

Xabi Alonso ayaa shaqo fiican ku qaadanaya Leverkusen waxana uu ka caawiyay in ay 10 dhibcood ku hogaamiso horyaalka Bundesliga.

Sida laag soo xigtay Sky Germany, Liverpool ayaa ku qasbanaan doonta in ay lacag rikoodh ah ka bixiso saxiixa tababare Xabi.
Liverpool ayaa ku qasbanaan karta in ay bixiso lacag dhan 21 milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixa Xabi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga