Kenny Dalglish Oo Magacaabay Halista Ugu Weyn Ee Liverpool Ka Hor Istaagi Karta Ku Guulaysiga Horyaalka Mana Ahan Man City & Arsenal.

Kenny Dalglish ayaa magacaabay waxa uu aaminsan yahay in ay noqon karto halista ugu weyn ee Liverpool ee ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan – mana aha Manchester City ama Arsenal.

Liverpool ayaa raadinaysa horyaalkeedii ugu horeeyay ee horyaalka premier League muddo afar sano ah, iyagoo qaaday koobka xilli ciyaareedkii 2019/20.

Xilli ciyaareedkaas, kooxda Jurgen Klopp ayaa jabisay rikoorka maxaliga ah iyagoo ku guuleystay horyaalka iyadoo todobo kulan ay harsan yihiin.

Xilli ciyaareedkan horyaalka ayaa aad u adag iyada oo Liverpool 60 dhibcood ku hogaaminaysa horyaalka premier League isla markaas hal dhibic ka horaysa Man City halka ay 2 dhibcood ka horaysa Arsenal.

Reds ayaa kaliya laba jeer dhadhamisay guuldaro xilli ciyaareedkan – guuldaro muran badan dhalisay oo 2-1 kala kulantay Spurs bishii October iyo guuldaradii 3-1 ka soo gaartay Arsenal bishii hore.

Laakiin kooxda Klopp ayaa ku soo laabatay wadada guulaha iyaga oo badiyay 3 kulan oo xidhiidh ah premier League halka ay sidoo kale ku guulaysteen Carabao cup-ka.

Liverpool ayaa ku dhibaatoonaysa dhaawacyo taas oo keentay in ay xiddigo caruur ah u ciyaaraan kulamada, Dalglish ayaana sheegay in dhaawacyadu yihiin halista ugu weyn ee Liverpool ku guulaysiga premier League xilli ciyaareedkan.

“Khatarta ugu weyn ee Liverpool ayaa noqon karta dhaawacyo”ayuu yidhi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga