Mikel Arteta Oo Sheegay Hal Arin Oo Go’aamin Kara Kooxda Ku Guulaysan Karta Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa ka hadlay tartanka loogu jiro hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa ku jirta kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka iyada oo hal dhibic ka hoosaysa kooxda Man City oo ku jirta kaalinta 2-aad waxana ay laba dhibcood ka hoosaysaa kooxda hogaanka haysa ee Liverpool.

Arteta ayaa tilmaamay horyaalka premier League lagu kala bixi karo farqiga goolasha xilli ciyaareedkan.

Markii la waydiiyay in goolashu muhiim u yihiin kooxdiisa xilli ciyaareedkan Arteta ayaa yidhi”Haa, Xaqiiqdii”.

“Ugu horayn waxa aan doonaynaa in aan badino kulamada kadib aanu dhalin goolal badan”ayuu sii raaciyay.

“Tartanka Horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan waxa lagu kala bixi karaa farqiga goolasha”ayuu Arteta sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga