LAMAFILAAN :- 🚨 WAR CUSUB: FIFA oo bixinaysa inta badan mushaharka Laacib katirsan Man utd

FIFA ayaa lagu soo waramayaa inay dabooli doonto ku dhowaad 80% mushaharka Manuel Ugarte inta uu ciyaaryahanka Manchester United garoomada ka maqnaanayo sababo la xiriira dhaawac.

Ugarte ayaa qaata mushahar dhan ku dhowaad Β£150,000 toddobaadkii, taasoo ka dhigan in FIFA ay bixin karto qiyaastii Β£120,000 toddobaadkii inta uu dhaawacu ka hor istaagayo inuu ciyaaro.

Arrintan waxay qeyb ka tahay nidaamka magdhowga FIFA ee kooxaha marka ciyaaryahan uu dhaawac halis ah ku soo gaaro waajibaadka xulka qarankiisa.

Sida lagu sheegay warbixinta The Telegraph, Manchester United ayaa sidaas darteed heli karta gargaar dhaqaale oo weyn inta uu Ugarte ka maqnaanayo kooxda , Β£150,000 β€” mushaharka Ugarte toddobaadkii halka~Β£120,000 β€” qiyaasta 80% ee FIFA dabooli karto
waxaana usabab ah dhaawaca uu ciyaaryahanku ku maqnaanayo.

Tani waxay Manchester United u noqon kartaa nafis dhaqaale, gaar ahaan iyadoo kooxda ay weli bixinayso mushaharka ciyaaryahanka xilli uusan awoodin inuu garoonka ka caawiyo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga