Lacagta Ay Barcelona Ka Heshay Champions League Ilaa Haatan Oo La Ogaaday.

Barcelona ayaa heshay lacag dhan 74.328 milyan euro kadib markii ay u soo baxdo wareega 8 dhamaadka tartanka champions League xilli ciyaareedkan sida laga soo xigtay Wargayska MARCA.

Iyadoo Barca ay si farxad leh u dhoola cadeyn doonto bangiga, haddana waa kooxda labaad ee ugu dakhliga yar ee U Gubay wareega 8 dhamaadka tartanka champions League Kaliya Arsenal oo ku jirta €68,436m ayaa heshay dakhli yar.

Dhanka kale Manchester City ayaa markale noqotay kooxda ugu dakhliga badan tartankan iyada oo wadarta guud ka heshay lacag dhan 89 milyan oo euro.

Waxaa ku xigta kooxda Real Madrid oo ka heshay champions League lacag dhan (€86.7m), waxa ku xigta kooxda Bayern oo heshay lacag dhan (€86m) halka ay PSG ka heshay lacag dhan (€76.2m).

Waxa xusid mudan in kooxaha ka qayb galaya wareega 8 dhamaadka ay heli karaan lacag intaas ka badan iyada oo ku xidhnaan doonta halka ay kaga dhamaysan doonaan tartanka.

Kooxda Barcelona ayaa wajihi doonta PSG wareega 8-da, waxaana laga yaabaa inay wajahdo Dortmund ama Atletico Madrid semi-finalka.

Kooxda Atletico Madrid ayaa tartanka ka heshay 75 milyan euro sanadkan, waana in ka badan Barca.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga