Taageerayaasha Real Madrid Oo Doortay Shaxda Ugu Fiican Taariikhdooda.

Taageerayaasha Real Madrid ayaa u codeeyay shaxdii ugu fiicnayd ee Abid kooxda iyadoo Raul, Toni Kroos iyo Alfredo Di Stefano ay ka maqan yihiin.

Los Blancos waxa ay haysatay halyeeyo kubada cagta ah sanadihii lasoo dhaafay, sidaa darteed in 11 xiddig oo kaliya laga soo xusho waa shaqo adag.

Markii Madrid Zone ay weydiisay taageerayaasheeda inay soo doortaan kooxdooda, aqlabiyadda ayaa helay ciyaartoy dhawaan matalay kooxda oo ay ku jiraan Cristiano Ronaldo, Gareth Bale iyo Karim Benzema.

Zinedine Zidane, Iker Casillas iyo Fernando Hierro ayaa sidoo kale lagu soo daray. Si kastaba ha ahaatee, Raul, Di Stefano iyo Kroos ayaa la waayay shaxda.

Halyeeyga kooxda ee Raul ayaa heysta rikoorka kulamada ugu badan iyo gooldhaliyaha seddexaad.

Di Stefano ayaa ku jira liiskaas afaraad. Dhanka kale, Kroos ayaa loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu weyn jiilkiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga