Marcelo Oo Xushay Shax Uu Ka Doortay Xiddigaha Uu Ka Soo Garab Ciyaaray Xirfadiisa Ciyaareed.

Marcelo ayaa soo xushay shaxdiisii ​​abid ugu wacnayd ee xiddigaha uu ka soo garab ciyaaray xirfadiisa ciyaareed.

Halyeeyga reer Brazil ayaa doortay xiddigo lama filaan ah markii uu go’aansaday in uu doorto shaxdiisa.

Marcelo ayaa Goolka u doortay Goolhaye Kaylor Navas isaga oo ka doorbiday Halyeeyga kooxda Real Madrid ee Iker Casillas.

Daafaca midig ee Marcelo ayaa doortay Rafinha Isaga oo ka doorbiday xiddiga Real Madrid ee Dani Carvajal.

Daafaca reer Brazil ayaa kaliya 4 kulan u ciyaaray xulka qaranka Brazil waxana uu ku soo baxay dookha Marcelo.

Xiddigaha Ronaldo, Neymar iyo Cristiano Ronaldo ayaa sidoo kale ku soo baxay shaxda Marcelo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga