Haaland Oo Magacaabay Xiddig U Ciyaara Arsenal Oo Fiicnayn Doona Man City Hadii Uu Kaga Biiro?

Erling Haaland ayaa aaminsan in xiddiga Arsenal ee Martin Odegaard uu horumarin doono Manchester City haddii uu ku biiro kooxda xagaaga.

Odegaard ayaa 141 kulan u saftay Gunners tan iyo markii uu waqooyiga London uga soo dhaqaaqay Real Madrid, isagoo u soo dhaliyay 33 gool iyo 23 caawin.

Waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan Mikel Arteta iyada oo xiddiga 25 jirka ah ee khadka dhexe loo magacaabay kabtanka kooxda Arsenal.

Ma jirto wax warar ah oo sheegaya in uu Odegaard u dhaqaaqayo Etihad laakiin taas ayaan Haaland ka joojin in uu wariyuhu Haaland wax ka waydiiyay khamiista.

Markii la waydiiyay hadii uu Odegaard fiicnayn doono Man City hadii uu ku soo biiro Haaland ayuu yidhi”Haa, waan filayaa”.

“Waa ciyaartoy fiican waxana uu u ciyaraa koox nala xafiiltanta”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga