Kylian Mbappe Oo Loo Sheegay Kooxda Uu Kaga Biirayo Premier League.

Robert Pires ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu arko xiddiga PSG iyo France Kylian Mbappe oo ku biiraya Liverpool xagaagan Halkii uu ku biiri lahaa Real Madrid.

Mbappe ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday inuu ku biiro kooxda reer Spain dhamaadka xilli ciyaareedkan, isagoo ku wargaliyay PSG inuu doonayo inuu ka tago horaantii sanadkan.

Pires ayaa daaha ka qaaday inuu sidoo kale ku dhawaaday inuu ku biiro Real Madrid waayihiisii ​​ciyaareed laakiin wuu diiday inuu ku biiro isaga oo ka doortay Arsenal kulana guulaystay laba koob oo Premier League ah iyo laba FA Cup.

“Waan ka xumahay Kylian, laakiin ma aadan ahayn ciyaartoygii ugu horeeyay ee maya ku Yidhaahda Real Madrid”Pires ayaa u sheegay AS.

“Ma garanayo go’aanka uu qaadan doono dhamaadka, laakiin waan diiday Madrid sababtoo ah waxaan haystay laba doorasho oo kale”.

Pires oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in uu ku raaxaysan doono in uu arko xiddiga ay isku dalka yihiin oo ku biira Liverpool si uu uga garab ciyaaro Mohamed Salah.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan ku arko Liverpool,” ayuu hadalkiisa raaciyay xiddigii hore ee France.

“Waa koox weyn oo qoys ah , waxaa jira qaab dhismeed wanaagsan, cadaadis ma lahan, taageerayaashu aad ayay u jecelyihiin xiddigaha”.

“Salah iyo Mbappe in ay iska garab ciyaaraan waxa ay doontaa mid waali ah”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga