Kylian Mbappé Oo Farriin Adag U Diray Real Madrid , Maxaa Soo Kordhay ?

Kaliya waqti yar uun ayaa ka harsan in uu kala cataado  hishiiska Real Madrid ku dooneyso saxiixa xiddiga PSG ee Kylian Mbappe

Weeraryahankaas ayaa kooxdiisa ku war giliyay in uusan hishiis cusub u saxiixi doonin kooxda marka xilli ciyaareedka uu dhamaado  xilli macalinkiisa Luis Enrique dareensan yahay go`aanka Kylian waliba uu u rajeeyay mustaqbalka wacan

Haatan su`aasha la is weydiinayo ayaa ah , waa goorma waqtiga Real ku dhawaaqi doonto hishiiska laacibka kaasi oo in muddo ah lala xariirinayo kooxda caasmada Spain ka dhisan

Haatan , saxaafadda France waxa ay xuseysaa in Kylian uu doonayo in Real hishiiskiisa ku dhawaaqado ka hor koobka qaramada yurub.

Wariye Joaquin Maroto ayaa laga soo xigtay in Kylian Mbappé uu ka codsaday Real in hishiiskiisa iyo ka laacib ahaan u soo bandhigaan ka hor tartankaas bilaabanaya xagaaga 2024-ka

Kylian Mbappé waxa uu tilmaamay in uu doonayo in tartankaas uu ka qeyb galo isaga oo deggan kaliyana diiradda saaraya koobkaas

Waxaa loo badinayaa in Kylian Mbappé xeran doono lambarka 9-aad ee uu baneeyay Benzema inkastoo lambarka 10-aad ee Modric uu xeran yahayna lala xariirinayo

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga