Barcelona Oo Shaki Gilisay Mustaqbalka Xavi Ee Qalcada Camp Nou

Madaxweyne ku xigeenka kooxda  Barcelona Rafa Yuste, ayaa ka hadlay mustaqbalka Xavi Hernandez,ka dib markii ay u soo baxeen wareega 8da ee Champions League.

Barcelona ayaa guul ka gaartay Napoli, lugtii labaad ee wareegga 16-ka Champions League, kaddib markii ay ku adkaatay 3-1.

Xavi ayaa horay ugu dhawaaqay inuu ka tagayo booskiisa macalinimo ee Barcelona marka uu dhamaado xilli ciyaareedkaan,

Rafa Yuste ayaa ku yiri hadal uu daabacay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain: “Waan ixtiraamayaa Xavi iyo go’aankiisa, wuu garanayaa waxa aan ku fikirayo, waan arki doonaa waxa dhaca”.

“Runtii waan jeclahay Xavi Hernandez,” ayuu ku adkeystay markii wax laga weydiiyay tababaraha mustaqbalka ee Barcelona.

Yusti ayaa sidoo kale ammaanay ciyaartoyda da’da yar sida Lamin Yamal iyo Kuparsi, isagoo yiri: “Dhallinyaradan ayaa tusaale u ah shaqada weyn ee akadeemiyadu qabato.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waa inaan u mahadcelineynaa Xavi iyo kooxdiisa sida ay u aamineen da’yarta 16-17-jirka ah oo ay noogu sameeyeen madadaalo sidan oo kale ah”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga