Klopp Oo Diiday Dalabkii Ugu Horeeyay Ee U Yimid, Ayaa Doonaya?

Jurgen Klopp ayaa diyaar u ah inuu diido dalabyada BBC iyo ITV si uu uga shaqeeyo khabiir ahaan tartanka Euro 2024 ee ka dhici doona dalka Germany.

Tababaraha 56 jirka ah ayaa bilaa shaqo ahaan doona marka uu bilaabanayo tartanka Euro 2024 kadib markii uu xaqiijiyay in uu ka tagi doono doorkiisa Tababaranimo ee Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Klopp ayaa horay u sheegay in uuna qaban doonin shaqo kale oo tababaranimo muddo sanad ah si uu u helo nasiino uu ka nasanayo shaqada uu soo hayay.

Kaliya taas ma ahan Klopp ayaa iska diiday dalabyo uga yimid dalabyada BBC iyo ITV oo kuu ku noqonayo falanqeeye tartanka Euro 2024.

dalabyada BBC iyo ITV ayaa la filayaa in ay ku tartamaan saxiixa tababaraha si ay u helaan khirbadiisa inta uu socdo tartanka.

Laakiin Klopp ayaa la filayaa in uu diido dalab kasta oo u imanaya inta uu ku jiro wakhtigiisa nasashada.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga