Southgate, Arteta, Kimmich, De Zerbi, Alonso & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh.

Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Tababaraha England Gareth Southgate iyo tababaraha Brentford Thomas Frank ayaa ka mid ah dookhyada ay Manchester United go’aansato in ay shaqada ka caydhiso Erik ten Hag dhamaadka xilli ciyaareedkan (ESPN).

Barcelona ayaa weli xiiso u qabta tababaraha Arsenal Mikel Arteta si ay ugu buuxiso booska Xavi, kaasoo ka tagaya dhamaadka xilli ciyaareedkan, laakiin kooxda reer Spain ayaa og inay adag tahay in ay hesho saxiixiisa (Relevo).

Liverpool, Arsenal iyo Manchester City ayaa ku dagaalamaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Bayern Munich Joshua Kimmich. 29 jirka reer Germany ayaa isha ku haya in uu ka tago Bavaria xagaagan (Express).

Kooxda Brighton ayaa kooxaha doonaya saxiixa tababare Roberto de Zerbi ee Barcelona, Liverpool & Manchester United u sheegtay in ay bixiyaan lacag dhan 12 milyan oo euro (Telegraph).

Daafaca Spain Marc Cucurella, oo 25 jir ah, ayaa la filayaa inuu ka mid noqdo dhowr magac oo waaweyn oo ay Chelsea iska fasixi doonto xagaaga (Football Insider).

Bayern Munich ayaa Liverpool kaga horaysa loolanka loogu jiro in Xabi Alonso uu noqdo macalinkooda xiga hadii uu tababaraha reer Spain doorto inuu ka tago Bayer Leverkusen xagaaga (Telegraph).

Daafaca dambeedka midig ee Manchester City iyo Portugal Joao Cancelo, oo 29 jir ah, ayaa doonaya inuu kordhiyo amaahda Barcelona wax ka badan xilli ciyaareedkan (Sky Sports).

Liverpool ayaa xiiseyneysa inay Richard Hughes u magacowdo agaasimaha ciyaaraha ka dib markii 44 jirkaan uu xaqiijiyay inuu ka tagi doono booskiisa agaasimaha farsamada ee Bournemouth dhamaadka xilli ciyaareedkan (Times).

Chelsea ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato garabka Athletic Bilbao Nico Williams. 21 sanno jirkaan weerarka uga ciyaara Spain ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa 43 milyan ginni xagaagan (Telegraph).

Madaxa indha indheeya kooxda Real Madrid Juni Calafat ayaa “jacayl” u qaaday xiddiga Manchester City ee Phil Foden, kooxda ayaana laga yaabaa inay raadiso saxiixiisa bedelkii Erling Haaland mustaqbalka. (Defensa Central).

Barcelona ayaa miisaamaysa qaabkii ay ku heli lahayd ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Jorginho, iyadoo La Blaugrana ay u baahan tahay inay lacag jaban ku hesho xiddiga (Sport).

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga