Mbappe, Robertson, Haaland, Raphinha Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh.

Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Paris Saint-Germain ayaa lacag badan ka dalbanaysa Kylian Mbappe xilli weeraryahanka reer France uu wali sii wada xaajoodka ka bixitaanka kooxda. PSG ayaa doonaysa in qayb ka mid ah lacagta ay Mbappe ka heli doonto kooxda Real Madrid (L’Equipe).

Erling Haaland ayaa laga yaabaa inuu ka tago Manchester City xagaaga soo aadan marka uu dhaco qandaraaska Pep Guardiola. City ayaa heshiis kula jirta inay Haaland kaga iibiso Real Madrid qiimo cayiman sanadka 2025 (El Chiringuito).

AC Milan ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabyada u imaanaya garabka Rafael Leao, kaasoo laga yaabo inuu u dhaqaaqo kooxda Chelsea ama PSG oo xiiso u qaba saxiixa xiddiga reer Portugal (Fichajes).

Arsenal ayaa mudnaanta koowaad ee suuqa kala iibsiga ka dhigtay weeraryahanka Sporting CP Viktor Gyokeres suuqa kala iibsiga (TodoFichajes).

Gunners ayaa sidoo kale dib u soo celin doonta xiisaha ay u qabto xiddiga khadka dhexe ee Aston Villa Douglas Luiz kaas oo muddo dheer bartilmaameed muhiim ah u ahaa tababare Mikel Arteta (Mail).

Barcelona ayaa doonaysa in ay xagaagan la soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee kooxda RB Leipzig Dani Olmo. 25 jirkaan ayaa la filayaa in lagu heli karo ku dhawaad ​​£43m (Fichajes).

Liverpool ayaa diyaar u ah inay bixiso lacagta 60-ka milyan ee lagu bur-burin karo qandaraaska 22 jirka khadka dhexe ee Porto Alan Varela (O Jogo).

Kooxda Bayern Munich ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca kooxda Liverpool ee Andy Robertson (Football Insider).

Arsenal ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga garabka uga ciyaara Brazil Raphinha, 27, iyo 24 jirka reer Spain Ferran Torres, oo labaduba u ciyaara Barcelona (Fichajes).

Liverpool ayaa qarka u saaran inay wadahadalo qandaraas cusub ah la furto Andy Robertson xagaagan iyaga oo ka walaacsan xiisaha Bayern Munich (Football Insider).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga