Weeraryahankii hore ee Faransiiska, Thierry Henry, ayaa qirtay inuu ka walwalsan yahay kulanka xiga ee Arsenal ee horyaalka Premier League ay la ciyaari doonaan West Ham United.
Henry wuxuu arrintan ka sheegay barnaamijka Monday Night Football, kadib markii Manchester City ay barbaro 3-3 ah la galeen Everton.
Natiijadaas waxay ka dhigtay City inay 5 dhibcood ka dambeeyaan Arsenal, inkastoo kooxda Pep Guardiola ay weli hal kulan harsan yahay.
City waxay la ciyaari doontaa Brentford gurigooda, ka hor inta aysan kooxda Mikel Arteta u safri doonin London Stadium
Henry ayaa yiri:“Manchester City waxay lumiyeen laba dhibcood, laakiin ma bilaabi kartid inaad u maleyso inaad adiguna dhibco lumin karto. ‘Waxaa laga yaabaa’ ma jiro”
“Waxaan ka walwalsanahay kulanka West Ham, sida aan uga walwalsanaa City maanta (kulankoodii Everton).”
Be the first to comment