Guardiola Oo Fariin Horyaalka Ah U Diray Arsenal.

 Pep Guardiola ayaa ku adkaystay in Manchester City ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto Arsenal ee hanashada Premier League, inkastoo ay dhibco ku lumiyeen kulankii ay la ciyaareen Everton, wuxuuna qirtay in horyaalku uusan hadda ku jirin gacantooda.

Man City waxay rajeynaysay inay farqiga dhibcaha u dhexeeya iyaga iyo Arsenal ka dhigaan saddex dhibcood markii ay u safreen garoonka Hill Dickinson Stadium habeenkii Isniinta.

Kooxda Guardiola ayaa bishii hore si weyn u furay tartanka horyaalka markii ay ka adkaadeen Arsenal, balse “Gunners ayaa si degdeg ah uga jawaabay iyagoo guulo ka gaaray Newcastle United iyo Fulham.

Iyagoo lix dhibcood ka dambeeya Arsenal, balse haysta laba kulan oo dheeraad ah, horyaalku weli wuxuu si xisaabeed ugu jiray gacanta Manchester City, laakiin taas waxay u baahnayd inay guul ka gaaraan Everton kulankii Isniinta.

Manchester City ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay kadib markii Jeremy Doku uu dhaliyay gool cajiib ah daqiiqaddii ugu dambeysay ee qeybta hore, balse Everton ayaa sameysay soo laabasho yaab leh.

Everton ayaa 3-1 ku hormartay ciyaarta, iyadoo Thierno Barry uu laba gool dhaliyay, halka Jake O’Brien uu madax ku dhaliyay goolka saddexaad.

Kadibna waxay noqotay markale Manchester City oo soo laabasho sameysay, iyadoo labo gool oo dambe ay kala dhaliyeen Erling Haaland iyo mar kale Jeremy Doku si ay uga fogaadaan guuldarro.

Barbardhaca 3-3 ah wuxuu ka dhigan yahay in Arsenal ay hogaanka Premier League ku hayso farqi shan dhibcood ah, iyadoo ay u harsan yihiin saddex kulan oo horyaalka ah oo ay la ciyaari doonaan West Ham United, Burnley iyo Crystal Palace.

Qiimeyn uu sameeyay Pep Guardiola kadib barbaro 3-3 ah oo Manchester City ay la gashay Everton, ayuu sheegay in kooxdiisu aysan wali quusan doonin tartanka horyaalka.

Wuxuu yiri:
“Waxaan qaadanay hal dhibic, ilaa ay wax walba dhammaanayaan waan sii wadeynaa dagaalka.”

Guardiola ayaa qirtay in natiijadan ay ka wanaagsan tahay guuldarro, balse sidoo kale tilmaamay in xaaladda ay hadda is beddeshay:
“Way ka fiican tahay in la waayo. Waxaan u ciyaarnay inaan guuleysano. Tani waxay muujineysaa waxa ay kooxdu tahay. Waan isku daynay, waanan sameynay dadaal. Horyaalku hadda gacanteenna kuma jiro. Hore ayuu gacanteenna ugu jiray, hadda maya.”

Tababaraha reer Spain ayaa sidoo kale sheegay in Manchester City ay diiradda saari doonto kulamada u haray:
“Waa inaan shaqada ku dhammeysanaa afarta kulan ee noo haray ee Premier League. Waxay u badan tahay inay la mid noqon doonto kulanka Brentford. Waan arki doonaa waxa dhaca.”

Hadalka Guardiola wuxuu muujinayaa in City wali rajeyneyso mucjiso, balse hadda waxay ku xiran tahay natiijooyinka Arsenal si ay fursad ugu sii lahaato hanashada horyaalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga