Harry Kane Oo Bar-Bareeyay Rikoodh 16 Sano Ka Hor Laga Dhigay Bayern Munich.

Harry Kane ayaa barbareeyay rikoor u yaalay Bayern Munich intii lagu jiray kulankii ay kooxdiisu 3-1 kaga badisay Borussia Monchengladbach.

Kane ayaa dhaliyay goolkiisii ​​24-aad ee horyaalka xilli ciyaareedkan  isaga oo kooxdiisa Ku hogaamiyay guul soo laabasho leh.

Kadib goolka xiddiga Harry Kane ayaa jabiyay rikoodh cajiib ah oo yaalay 17 sano.

Ma jiro Xiddig Bayern Munich ah oo dhaliyay 24 gool xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay tan ilaa xiddiga Luca Toni oo sidaas sameeyay xilli ciyaareedkii 2007/2008.

Waxaa cajiib ah, bilowgii February Kane ayaa durba barbareeyay tiradaas, waxaana uu haatan todobo gool ka horeeyaa tartanka loogu jiro kabta dahabka ah ee xilli ciyaareedkan.

Kooxda Tuchel ayaa wali haysata 14-kulan, sidaa darteed xiddiga heerka caalami ee dalka England waa hubaal inuu jabin doono rikoorkaas hadii uusan dhaawacmin.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga