Xabi Alonso Oo Ka Fal Celiyay Wararka La Xidhiidhinaya Liverpool.

Tababaraha Bayer Leverkusen Xabi Alonso ayaa lala xiriirinayaa inuu tababare u noqon doono Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ku dhawaaqay inuu isaga tagayo shaqada tababaranimo ee Liverpool dhamaadka xili ciyaareed kaan.

Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo tababarenimada Liverpool laga yaabo inay fursad weyn u tahay xiddigii hore ee Xabi Alonso, waxa uu sheegay in ku faraxsan yahay kooxda Leverkusen wakhti xaadirkan.

Xabi oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”“Malaha waa iska caadi mustaqbalkayga laga hadlo, laakiin waxa aan diirada saarayaa Bayer Leverkusen”.

Wuxuu ku daray: “Aad ayaan ugu faraxsanahay kooxdan wararka ku saabsan Klopp dabcan wuxuu ahaa mid la yaab leh.”

saga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Waan ku ixtiraamayaa waxa uu ku sameeyay Liverpool, wakhti xaadirkan waxa aan ku raaxaysanayaa wax walba oo aan halkan ku sameeyo, Leverkusen waxa aan ku jiraa wakhti cajiib ah”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga