Saddex Koox Oo Doonaya Saxiixa Erik Ten Hag Hadii Laga Caydhiyo Shaqada Man United.

Saddex kooxood ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fikirayaan in ay Erik Ten Hag u magacaabaan tababarohooda cusub hadii laga cayriyo shaqada Man United sida ay sheegayaan wararku.

Ten Hag ayaa ku dhow dhamaadka xilli ciyaareedkiisii ​​​​labaad ee Old Trafford kadib markii uu kooxda kaga soo biiray Ajax isaga oo badalay Ralf Rangnick xagaagii 2022.

Ka dib markii ay ku dhameysteen kaalinta afaraad isla markaas ku guulaysteen koobka Carabao Cup-ka xilli ciyaareedkii hore Kooxda Ten Hag ayaan si joogto ah qaab ciyaareed fiican ugu soo bandhigin.

Inkasta oo ay gaadheen Semi-final-ka FA Cup-ka kadib markii ay garaaceen Liverpool Todobaadkii hore kooxda Ten Hag ayaa wareegii Group-yada kaga hadhay champions League waxana ay u baahantahay mucjiso si ay ugu soo baxdo 4-ta boos ee ugu sareeya.

Milkiilaha cusub ee kooxda ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu tababaraha xulka England ee Gareth Southgate u magacaabao tababaraha cusub ee kooxda dhamaadka xilli ciyaareedka.

Hadii ay Man United Go’aansato in ay iska caydhiso Ten Hag waxa jira 3 kooxood oo u soo bandhigi doona shaqo cusub.

Sida laga soo xigtay Daily Mail kooxaha Bayern Munich, Stuttgart Iyo Bayer Leverkusen ayaa laga yaabaa in ay dalab ka gudbiyaan tababaraha reer Netherlands.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga