Guardiola Oo Sheegay Wakhtiga Lagu Kala Bixi Karo Horyaalka Premier League.

Pep Guardiola ayaa qirtay in tartanka seddexda geesood ee horyaalka Premier League ee u dhexeeya Manchester City, Liverpool iyo Arsenal laga yaabo in la go’aamiyo maalinta ugu dambeysa ee xilli ciyaareedka.

Citizens ayaa kor u qaaday rajadooda ku guuleysiga horyaal afaraad oo xiriir ah oo aan horay loo arag ka dib markii ay 4-1 ku garaaceen Aston Villa oo ku jirta kaalinta afaraad ee Etihad Stadium habeenkii Arbacada.

Iyadoo ay taasi jirto, Man City ayaa weli ku jirta kaalinta seddexaad ee kala sareynta, iyadoo la dhibco ah Liverpool oo ku jirta kaalinta labaad, kaliya hal dhibic ka hooseysa kooxda hogaanka heysa ee Arsenal, oo Arbacadii 2-0 kaga badisay Luton Town.

“Hadii aan badino dhamaan kulamadeena, waxa ay ahaan doontaa ilaa maalinta ugu danbeysa sababtoo ah, 5, 6 ama 7 dhibcood nagama horeeyaan”ayuu Guardiola u sheegay saxaafada.

“Ma sahlanaan doonto, waxaan arkaa Liverpool iyo Arsenal oo dhibco luminaya, laakiin ma ogaan kartid”.

“Waa inaan soo bandhigno qaab ciyaareed fiican oo aan badino kualamdeena halkii aan ka shalayn lahayn in ay ahayd in aan badino hadii iyaga laga badiyo”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga