Guardiola Oo Ka Hadlay Ku Laabashadiisa Barcelona

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday fikirkiisa ku aadan ku laabashada Barcelona mustaqbalka.

Guardiola ayaa haatan ku dhameystay xilli ciyaareedkiisii sideedaad ee Etihad Stadium, isagoo sii wata wacdaraha uu ka dhigayo premier league.

City ayaa ku guulaysatay 17 koob intii uu joogay Guardiola waxana ka mid ahaa premier league iyo waliba champion league.

Si kasta ha ahaatee heshiiska Guardiola ayuu ka dhiman yahay Hal sano waxana uu dhacayaa sanadka 2025.

Tababaraha ayaa lala xidhiidhinayay ku laabashadiisa kooxda Barcelona tan ilaa markii uu ka Tagay kooxda.

Laakiin tababaraha ayaa sheegay in aanu ku laaban doonin Barcelona.

“Albaabka Barcelona waa mid iga Xidhan”ayuu yidhi tababaraha

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga