Arsenal Mise Man City? Steve McManaman Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League Xilli ciyaareedka dambe

Steve McManaman ayaa saadaaliyay in Manchester City ama Arsenal ay ku guuleysan doonaan Premier League xilli ciyaareedka soo socda.

Waa Wakhti hore in haatan la saadaaliyo kooxda ku guulaysan karta horyaalka maadama aan xitaa la Soo Saarin jadwalkii premier league xilli ciyaareedka Soo socda.

Hadana McManaman ayaa fikirkiisa ka dhiibtay Kooxda Uu u arko in ay ki guulaysan karaan horyaalka premier league xilli ciyaareedka Soo socda.

Steve McManaman ayaa la waydiiyay: “Arsenal waxa ay u muuqatay mid qalbi jabaysa in ay si aad ah ugu soo dhawaato xilli ciyaareedkii labaad oo xiriir ah. Xilli ciyaareedka soo socda, miyay Arsenal ku garaaci doontaa man city horyaalka?”.

Waxa uu ku Jawaabay”uma malaynayo in ay Arsenal horyaalka ku garaaci Doonto Man City, waxa aan qabaa in ay Man city Ka horayn Doonto Arsenal”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga