Jamie Carragher Oo Tilmaamay Kulanka Arsenal Ku Guulaysan Doonto Premier League.

Halyeeyga Liverpool, Jamie Carragher, ayaa sheegay in Arsenal ay noqon doonto horyaalka Premier League haddii ay ka adkaato West Ham United toddobaadkan.

Carragher ayaa hadalkan ka sheegay barnaamijka Monday Night Football kadib markii Manchester City ay barbaro 3-3 ah la gashay Everton.

Natiijadan ayaa ka dhigtay in City ay ka sii fogaato hoggaanka, iyadoo Arsenal hadda shan dhibcood ka horreyso.

Inkasta oo kooxda Pep Guardiola ay hal kulan dheeraad ah hayso, inta badan kulamada harayna lagu ciyaarayo garoonka Etihad, Carragher ayaa sheegay in tartanku si weyn ugu janjeero Arsenal.

Markii la weydiiyay hal kulan oo bannaanka ah oo u haray City—oo ay la ciyaari doonaan Bournemouth—wuxuu yiri:“Waa kulan adag, Bournemouth waa koox qaab fiican ku jirta.”

Wuxuu sidoo kale ka hadlay dhinaca Arsenal:“Arsenal marka laga eego, caawa waxa diiradda la saarayo waa horyaalka, laakiin ma qiyaasi kartaa jawiga garoonka berri (lugta labaad ee semi-finalka Champions League)?”

“Farxadda tartanka, tamarta taageerayaasha… inaad gaarto final-ka Champions League, isla markaana horyaalku gacantaada ku jiro iyadoo saddex kulan oo keliya ay harsan yihiin.”

Ugu dambeyn, wuxuu si cad u sheegay:“Haddii Arsenal ay ka badiso West Ham Axadda soo socota, waxay ku guuleysan doonaan horyaalka.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga