Glenn Hoddle Oo Haatanba Sii Magacaabay Kooxda Iska Xaadirin Doonta Final-ka Champions League.

Glenn Hoddle ayaa ku qanacsan  ayaa sheegay in ay PSG isk xaadirin doonto final-ka champions League ka hor kulamada Arsenal iyo Man City ee Champions League.

Gunners ayaa booqan doonta Bayern Munich kulanka lugta 2-aad ee wareega 8 Dhamaadka halka ay Man City marti galin doonto Real Madrid.

Kulamada ayaa imanaya iyada oo PSG iyo Dortmund iska xaadiriyeen Semi-final-ka tartanka Champions League.

Hoddle waxa uu hubaa in PSG ay garaaci doonto Drotmund Semi-final-ka isla markaas midood Final-ka la ciyaari doonto midkood kooxaha Arsenal, City, Bayern Munich ama Real Madrid.

“Markii aan Arkay Kulankii Dortmund waxa aan hubaa in ay PSG badinayso kulankooda”ayuu u sheegay TNT Sport.

“Waxa aan hubaa in ay PSG iska xaadirin doonto final-ka Champions League lana ciyaari doonto midkood kooxaha soo baxa”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga