Arsene Wenger Oo Sheegay Faa’iidada Arsenal Dheertay Man City Tartanka Premier League.

Arsene Wenger ayaa xasuusiyay taageerayaasha Arsenal inay wali hal ‘faa’iido’ ka leeyihiin kooxda ay ku xifaaltamaan horyaalka Premier League ee Manchester City inkastoo guuldaradii ‘la yaabka lahayd’ ay kala kulmeen Aston Villa.

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay Aston Villa iyaga oo haatan 2 dhibcood ka dambeeya hogaamiyayaasha horyaalka ee Man City.

Wenger ayaa la yaabay guuldaradii kooxdiisii hore laakiin Waxa uu Gunners siiyay rajo ah in ay kooxdiisii hore wali ku guulaysan doonto horyaalka.

“Waxa ay ahayd arin la yaab leh, marka aad u tartamayso horyaalka waliba aad garoonkaaga ku ciyaaraysid, kulamo yar ka hor waxa aad haystay fursad aad farqi ku samayn lahayn”.

“Inkasta oo ay Man City hogaaminayso horyaalka hadana Arsenal wali waxa ay haysataa faa’iidada farqiga goolasha, hadii ay Man City bar-baro gasho isla markaas ay Arsenal badiso hogaanka ayaan la wareegi doonaa”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga