Barcelona Oo Habeen Kaliya Laga Reebay 2 Tartan Kadib Guuldaradii PSG.

Kooxda Barcelona ayaa hal habeen laga soo reebay laba tartan kadib markii ay guuldaro kala kulantay kooxda Paris Saint-Germain salaasadii.

Waxa uu u ahaa xilli ciyaareed adag Barcelona, ​​laakiin kooxda reer Spain joogtay boos fiican oo ay ugu gudbi karto semi-finalka Champions League.

Todobaadki hore kooxda Xavi ayaa guul cajiib ah oo 3-2 ah garoonkeeda kaga soo gaadhay PSG lugtii hore ee 8 dhamaadka Champions Leaque-ga.

Inkasta oo ay hogaanka u qabatay wakhti hore kulankii lugta 2-aad hadana Barcelona ayaa cel-celis ahaan 4/2 looga reebay tartanka champions League.

Guuldarada soo gaartay kaliya kama aysan reebin Champions League, laakiin sidoo kale waxay ka reebtay koobka cusub ee FIFA Club World Cup 2025.

12-kooxood oo Yurub ah ayaa ku tartami doona tartanka ka dhacaya dalka Mareykanka, waxaana ku jira kuwa ku guuleystay Champions League 2021 ilaa 2024 – Chelsea, Real Madrid, Manchester City iyo ku guuleystaha 2024.

Siddeeda boos ee kale waxaa go’aaminaya xiriirka kooxaha ee UEFA, laakiin inkastoo ay ku jiraan kaalinta toddobaad ee kooxaha haray, Barca ma soo bixi doonto.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga