Jamie Carragher Oo Magacaabay Laba Kooxood Oo Ku Tartami Doona Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedka Dambe.

Halyeeyga Liverpool, Jamie Carragher, ayaa sheegay labada koox ee uu u arko kuwa ugu cadcad hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedka soo socda.

Hadalkan ayuu jeediyay kadib markii Liverpool ay 3-2 kaga adkaatay Manchester United Axaddii.

Carragher wuxuu sheegay inaysan jirin wax fursad ah oo Manchester United ama Liverpool ku qaadi karaan horyaalka xilli ciyaareedka dambe, wuxuuna aaminsan yahay in tartanku u dhexeeyo Arsenal iyo Manchester City.

Liverpool ayaa mar kale wajahday guuldarro adag kadib markii ay United ku garaacday Old Trafford. Reds-ka ayaa kasoo laabtay 2-0 oo laga hormaray, iyagoo barbaro ka dhigay ciyaarta goolal ay kala dhaliyeen Dominik Szoboszlai iyo Cody Gakpo, balse Kobbie Mainoo ayaa dhaliyay goolka guusha daqiiqaddii 77aad.

Guushan ayaa Manchester United u xaqiijisay inay ka ciyaari doonaan UEFA Champions League xilli ciyaareedka dambe, sidoo kalena si weyn ugu dhow inay ku dhameystaan kaalinta 3aad, iyagoo lix dhibcood ka sarreeya Liverpool oo kaalinta 4aad ku jirta iyadoo saddex kulan ay harsan yihiin.

Kadib ciyaarta, halyeeyga Old Trafford ee Gary Neville ayaa sheegay in Manchester United aysan ka fogeyn inay noqoto koox u tartanta horyaalka, isagoo tilmaamay in tartanka uu “furmi karo hal ama laba sano gudahood.”

Si kastaba ha ahaatee, Carragher ayaa diiday fikirkaas, wuxuuna sidoo kale meesha ka saaray Liverpool, isagoo ku adkeystay in horyaalka xilli ciyaareedka dambe uu u dhexeeyo Arsenal iyo Manchester City.

Markii la weydiiyay kooxaha Liverpool iyo Manchester United midda fursad fiican u leh horyaalka sanadka dambe, Carragher wuxuu yiri isagoo ka hadlayay podcast-ka Gary Neville:

“Weli waxaan aaminsanahay Liverpool inay ka meel wanaagsan tahay United, sababtuna waa inaan aragnay safka ugu xooggan ee Manchester United maanta”

“Liverpool waxaa ka maqan saddex ama afar ciyaaryahan oo muhiim ah, sidoo kale waxay leeyihiin ciyaartoy horey ugu guuleystay koobab waaweyn”

“Laakiin ma filayo in labadaas kooxood midkood uu u tartami doono horyaalka xilli ciyaareedka dambe. Weli waxaan u arkaa inay noqon doonto Arsenal ama Manchester City”

“Waxaa jira aragti khaldan oo ku saabsan Manchester United, sababtoo ah kama aysan qayb gelin tartamada Yurub, sidoo kalena si degdeg ah ayaa looga reebay labada koob ee kale”

“Taas waxay abuuri kartaa sawir aan dhab ahayn. Manchester United waxay ku dhamaysan doontaa kaalinta 3aad xilli ciyaareedkan, laakiin si dhab ah uma aaminsani inay tahay kooxda saddexaad ee ugu fiican Premier League.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga