DEG-DEG: Real Madrid Oo Tababareheeda Cusub U Magacawday Xabi Alonso.

Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in Xabi Alonso noqday tababarohooda cusub.

Real ayaa xaqiijisay in Xabi Alonso qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2028 si uu u hogaamiyo kooxda.

Tababare Xabi Alonso oo ka tagaya Leverkusen ayaa shaqada ka badali doona Carlo Ancelotti oo hogaaminayay kooxda xilli ciyaareedkan.

Waxa xusid mudan in Xabi Alonso uu hogaamin doono kooxda tartanka koobka kooxaha adduunka ee la qaban doono xagaagan.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga