DEG-DEG: 5 Xiddig Oo Liverpool Ka Maqnaan Doona Kulanka Final-ka Ee Chelsea.

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa kulanka adag ee final-ka Carabao cup-ka ee ka dhici doona Wembley.

Liverpool ayaa galaysa wakhti adag sababo la xidhiidha dhaawacyo ku habsaday kooxda kulamadii ugu dambeeyay.

Ugu yaraan 5 xiddig ayaa la xaqiijiyay in ay dhaawac ku seegi doonaan kulanka ka hor maalinta Axada ee soo socota.

Xiddigaha Trent Alexander-Arnold, Diogo Jota, Curtis Jones, Alisson iyo Dominik Szoboszlai ayaa dhamaantood la xaqiijiyay in ay seegi doonaan kulanka final-ka.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Liverpool kuwaas oo doonaya in ay koobka ku guulaystaan ka hor bixitaanka tababare Klopp.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga