Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal, Declan Rice, ayaa wajahaya halis ganaax uga iman karta UEFA, kadib hadallo uu bixiyay ciyaartii barbaraha 1-1 ay la galeen Atletico Madrid.
Rice ayaa dhaliilay go’aamada garsoorka ee ka dhanka ahaa kooxdiisa kulankii lugta hore ee semi-finalka.
Xiddiga reer England ayaa sidoo kale sheegay in jawiga cadaawadda leh ee garoonka Metropolitano Stadium uu saameyn ku yeeshay garsoorayaasha, taas oo keentay in laga laabto go’aan rigoore muhiim ah.
Garsooraha Danny Makkelie ayaa dib uga noqday go’aankii rigooraha ee la xiriiray Eberechi Eze, arrintaas oo Mikel Arteta ku tilmaamay mid “beddelaysa jihada ciyaarta iyo isku aadka.”
Sida uu qoray The Times, UEFA ayaa baari doonta hadallada Rice si loo ogaado inay wax u dhimayaan kalsoonida garsoorayaasha.
Inkasta oo la filayo inuu ciyaari karo kulanka lugta labaad ee ka dhici doona Emirates Stadium Talaadada soo socota, haddana haddii tallaabo anshaxeed laga qaado, waxa suuragal ah inuu seego finalka haddii ay u soo baxaan.
Be the first to comment