Dib U Eegid: Raphinha Oo Taageerayaasha Barcelona Xasuusiyay Neymar.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Raphinha ayaa wacdaro dhigaya champions League xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay gool kale kulanka PSG.

Raphinha Ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa kulanka champions league ee kala dhexeeya kooxda PSG kulan ka dhacaya Camp Nou.

Kadib goolkaas Raphinha ayaa taageerayaasha Barcelona xasuusiyay waayihii wacnaa ee Neymar ku qaatay kooxda Barcelona.

Raphinha waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee FC Barcelona ah ee dhaliyay seddex gool kulan champions League oo wareega 8 dhamaadka ah tan ilaa xilli ciyaareedkii 2014/2015 markaas oo uu Neymar sidaas sameeyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga